WHO oo ka digtay burbur ku yimada nidaamka caafimaadka Qasa.

0
112

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa mar kale ka digay burbur ku yimaada nidaamka caafimaadka iyadoo Gaza ay weli ku socdaan colaada u dhaxeysa Israel iyo Xamaas.

Wakiilka WHO ee Daanta Galbeed iyo Gaza, Richard Peeperkorn oo shir jaraa’id ku qabtay wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ee Ramallah ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xabbad-joojin degdeg ah.

“Dhimashada iyo dhaawaca way kuwa sii socda, markii ugu horraysana waa in la joojiyo waxyaabahan argagaxa leh, waxaanu u baahanahay xabbad joojin” ayuu yiri Richard.

Hay’addaha gargaarka qaramada midoobay ayaa dhowr jeer ku baaqay in la joojiyo colaada si gurmad loo gaarsiiyo shacabka dhibaateysan ee ku nool Qasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here