Koonfurta Kuuriya oo xakameynaya Cayayaanka dhiqlaha

0
41

Jowhar – ( radio Isnaay ) – Maamulka Kuuriyada Koonfureed ayaa si hagar la’aan ah uga shaqaynaya sidii ay u xakameyn lahaayeen kutaan ka dilaacay dilaacay halkaas oo walaac ka abuuray guud ahaan dalka.

Cayayaankan dhiigga jaqaya ayaa laga helay 17 qaybood oo caasimadda Seoul ka mid ah, iyo magaalooyinka Busan iyo Incheon ilaa 5-tii Noofambar, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.

Magaalada Seoul ayaa u qoondeysay 500 oo milyan oo lacagta dalkaas ah, una dhiganta ku dhawaad $400,000 oo doolar, si wax looga qabto aafadan, waxaana la sameeyay guddi ka shaqeeya wax ka qabashada dhilqaha.

Cayayaankan ayaa sidoo kale noqday arrin walaac dadweyne maalmihii la soo dhaafay gudaha Faransiiska iyo Ingiriiska.

Tan iyo bishii Sebtembar, waxaa la sheegay in kutaanka lagu arkay Kuuriyada Koonfureed ee dalkaasi.

Qaar ka mid ah dadka Kuuriyada Koonfureed ayaa ka fogaan jiray in ay tagaan shineemooyinka iyo gaadiidka dadweynaha iyaga oo ka cabsi qaba in uu soo raaco kutaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here