Kolonyo gaadiid ah oo sida gargaar oo gaaray Qasa.

0
76

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Ilaa 70 kolonyo gaadiid ah oo sida gargaar caalami ah ayaa maanta gudaha u galay Qasa iyagoo soo maray xadka Rafax.

Baabuurtan ayaa sida dawooyin, cunto iyo biyo kuwaasoo ka soo gudbay dhanka dalka Masar iyadoo baaritaan lagu sameeyay ka hor inta aysan galin Qasa.

Ku dhowaad 500 oo kolonyo gargaar sida ayaa gaaray Qasa ka hor inta aysan bilaaban colaada.

Dad gaaraya 1.2 milyan oo qof oo ku nool dhulkaas ayaa ku tiirsan gargaar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here