Liverpool Oo Ku Rajo Weyn Saxiixa Kylian Mbappe

0
70

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay rajo ka qabto in ay dhamaystirto saxiixa weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe xagaaga soo socda.

Mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa mar kale qabsaday cinwaannada ugu waaweyn suuqa kala iibsiga xagaaga ka dib markii ay soo baxday inuu u sheegay PSG in uuna dhaqan galin doonin heshiiska halka sano ee dookha ah.

Mbappe ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo laba sano ah oo uu ku sii joogayo Parc des Princes xagaagii 2022, sidaas darteed waxa uu qaab xor ah uga tagayaa kooxda hadii uuna heshiis cusub u saxiixin.

Kadib go’aankii uu qaatay xiddigu, PSG ayaa wax walba u samaysay sidii ay u iibin lahayd xiddiga xagaagii laakiin waxa uu diiday in uu ka tago kooxda.

Xiddiga Mbappe ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Real Madrid kuaas oo muddo u qabay xiddiga xiiso wakhti fog ah.

Si kasta ha haatee sida laga soo xigtay wargayska L’Equipe Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga 24 jirka ah.

Kooxda Liverpool ayaa ku rajo weyn in ay xiddiga ku qancin doonaan in uu u soo dhaqaaqo Premie rLeague kadib markii ay ilaa sanadkii 2017 wadahadalo kula jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here