Boqolaal ruux oo ka soo cararay Qasa oo u gudbay Masar.

0
55

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Rayidkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Qasa ayaa ka ka gudbay xadka Rafax ee Masar tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas bilowgii bishii Oktoobar.

Tobaneeyo Falastiiniyiin ah oo si xun u dhaawacmay ayaa lagu qaaday ambalaasyo.

boqolaal baasabooro ajnabi ah wata ayaa sidoo kale u talaabay dhanka Masar.

Masar ayaa sheegtay in marka hore ay ogolaan doonto in ka badan 80 qof oo dhaawac ah iyo in ka badan 500 haysta baasabooro anjabi ah ay ka soo gudbi karaan xadka ka dib heshiiskaas la sheegay in Qadar dhexdhexaadinaysay.

Waa markii ugu horeysay oo sidan oo kale dhacdo tan iyo markii uu dagaalku billowday in ka badan saddex toddobaad ka hor.

Ma cadda ilaa inta uu xadka sii furnaan doono.

Xadka Rafax ayaa hore loo furay in ka badan 10 maalmood si loo ogolaado gargaar gaara Qasa, ilaa haddana in ka badan 200 oo gawaari sida gargaar aad loogu baahnaa ayaa ka talaabay xadka inkastoo sida hay’ adaha bini’aadanimada ka shaqeeya ay sheegayaan in loo baahan yahay mid kale oo dheeri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here