6 Xiddig Oo Doonaya In La Caydhiyo Erik Ten Hag

0
76

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Dhawr xiddig oo Man United ah ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayaan in shaqada laga caydhiyo tababare Erik Ten Hag sida uu qabo weeraryahankii hore ee premier League.

Red Devils ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyada oo ku bilaabatay sidii ugu xumayd muddo 61 sano ah.

Iyada oo laga badiyay 8 kulan 15 kulan tartamada oo dhan kooxda ayaa ku dhibaatoonaysa champions League iyo Premier League.

Ten Hag ayaa hada dareemaya cadaadis sii badanaya iyada oo ay jiraan warar sheegaya in laga caydhinayo shaqada kooxda.

Weeraryahankii hore ee Aston Villa Gabby Agbonlahor ayaa aaminsan in ugu yaraan shan ama lix ciyaartoy ay doonayaan in tababaraha laga caydhiyo kooxda.

Isagoo ka hadlayay talkSPORT, Agbonlahor ayaa yiri: “Waxaad hadda fiirineysaa Manchester United, waxaad magacaabi kartaa shan ama lix ciyaaryahan oo jeclaan lahaa in Ten Hag la eryo si ay fursad fiican ugu helaan tababare cusub”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here