Cristiano Ronaldo Oo Ka Fal-Celiyay Ku Guulaysiga Lionel Messi Ee Abaalmarinta Ballon d’Or

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cristiano Ronaldo ayaa “Like” saaray qoraal Instagram-ka kaas oo lagu dhaleecaynayo Lionel Messi kadib markii uu ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or fiidnimadii Isniinta

Messi ayaa hadda ku guulaystay abaalmarinta markii 8-aad xirfadiisa ciyaareed waana xiddiga ugu guulaysiga badan abaalmarinta taariikhda kadib markii uu door muhiim ah ka qaatay koobkii aduunka ee Argentina ee lagu qabtay Qatar bishii December.

Saxafiga reer Spain ee Tomas Roncero ayaa dhaleeceeyay go’aanka abaal marinta Ballon d’Or ee Messi wuxuuna ku soo qoray qoraal uu soo dhigay Instagram: “Salaan saaxiibayaal, wixii aan ogayn ayaa dhacay waxana ay mar kale Ballon d’Or-ka siiyeen Messi”.

“Waxa uu Inter Miami u aaday in uu ciyaaraha kaga fadhiisto laakin xitaa markii uu aaday PSG waxa uu doonayay in uu ciyaaraha kaga fadhiisto si uu isugu diyaariyo koobka adduunka”.

“Waxa uu ku guulaystay koobka adduunka  waa run laakiin koobka adduunka waxa la ciyaaray 10 blood ka hor haatan waxa la joogaa November”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here