FIFA oo shaacisay dalalka martigelin doona Koobka Adduunka ee 2030

0
86

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waddamada Morocco, Spain iyo Portugal ayaa loo magacaabay martigeliyeyaasha Koobka Adduunka ee 2030, halka Uruguay, Argentina iyo Paraguay ay martigelin doonaan ciyaaraha furitaanka, si ay u xusaan sannadguuradii 100-aad ee ciyaaraha adduunka, sida ay sheegtay FIFA.

Dalabka wadajirka ah ee Morocco, Portugal iyo Spain ayaa ahaa musharraxiinta kaliya ee codsaday martigelinta tartanka.

FIFA ayaa lagu waday inay ku dhawaaqdo martigeliyayaasha sanadka soo socda.

Koobkii adduunka ee ugu horeeyay ee daah furka ee 1930-kii ayaa lagu qabtay Uruguay, waxaana ku guuleystay iska Uruguay.

Go’aanka ee FIFA ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee Koobka Adduunka lagu qabto saddex qaaradood iyo lix waddan, taasoo la micno ah in kulammada group-yada la qabto xilliyo kala duwan.

Koobka Adduunka 2022 ayaa lagu qabtay dalka Qatar, waxaana ku guuleystay waddanka Argentina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here