Caalamka oo dalbanaya in dagaalka Qasa la hakiyo

0
61

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in la hakiyo dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil, si ay suurta gal u noqoto in gargaar bini aadanimo la gaarsiiyo dadka reer Qasa.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa soo jeediyay in la gaaro xabad joojin ku meel gaar ah, waxaana uu meesha ka saaray gaarista xabad joojin rasmi ah, isagoo intaa ku daray in taasi ay faaiido ugu jirto oo kaliya Xamaas.

Waxaa jira dalal iyo hay’ado kale oo iyaguna dalbanaya in la ogaalado in gargaar bini aadnimo la gaarsiiyo dadka dhibaateysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here