Xaqiiqooyinka Kulamada Champions League Caawa La Ciyaari Doono.

0
103

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa caawa la ciyaari doonaa kulamadii 3-aad ee tartanka champions League iyada oo la ciyaari doono kulamo xiiso leh.

Kooxaha Man United iyo Arsenal ayaa doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha tartanka champions League.

Bayern ayaa doonaysa in ay xaqiiqsato booskeeda wareeega 16-ka marka ay la ciyaarayso Galatasaray.

Real Madrid ayaa sidoo kale doonaysa in ay iska xaadiriso wareega 16-ka ee tartanka chamions League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka ka hor kulamada la ciyaari doono caawa.

Arsemal Vs Sevilla:

Sevilla ayaa badisay kaliya kulankoodii hore ee ay la ciyaareen Arsenal iyaga oo 3/1 kaga badiyay kulan ka tirsanaa wareega Group-yada champions League 2007/2008.

Arsenal ayaa badisay kaliya 3 kulan 17-kii kulan ee ay booqatay Kooxaha reer Spain tartamada oo dhan iyad aoo markii ugu dambaysay ka badisay Valencia sanadkii 2019.

Markan ayaa noqon doona markii 2-aad ee uu Mikel Arteta hogaamiyo kooxdiisa isaga oo booqanaya dalkiisa Spain halka uu kulankii hore ahaa mid europa League oo ay booqdeen Villarreal laakiin ay guuldaro kala kulmeen.

Arsenal ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida ahayd tartanka champions League intii u Mikel Arteta hogaaminayay kooxda.

Real Madrid Vs Braga:

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee abid dhexmara labada kooxood.

Real Madrid ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen kooxaha reer Portugal, guuldaradaas ayaana ahayd mid ay kala kulantay Fc Porto sanadkii 1992.

Real ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqdeen kooxaha reer Portugal tartanka champions League.

Man United Vs copenhagen:

Kulankan waxa uu noqon doonaa midkii 4-aad ee dhexmara kooxaha Man United iyo copenhagen tartanka champions League iyada oo koox walba badisay hal kulan.

Guushii ugu horaysay ee ay copenhagen ka gaadho Man United ayaa dhacday November 2006 markaas oo ay garoonkeeda kaga badisay 1/0 si kasta ha ahaatee marna kama badin koox premier League ah oo ay marti u tahay.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay Man United la ciyaarto koox reer Denmark ayaa ahayd December 2008 iyaga oo bar-baro la galay kooxda Aalborg BK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here