Nin shaqada looga joojiyay taageero uu Falastiin u muujiyay darteed

0
63

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mid ka mid ah darawalada Tareennada dhulka hoostiisa mara ee London ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii uu ku dhawaaqay ereyo uu ka tagaeerayo taageerayo Falastiin.

Maamulka magaalada u qaabilsan adeegyada gaadiidka, ayaa ku dhawaaqay in baaritaan lagu sameynayo kiiska ninkaan.

Bannaanbax lagu taageerayo Falastiin ayaa Sabtidii lagu qabtay caasimadda Ingiriiska ee Lodon, kaasoo ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 100 kun oo qof.

Dhacdadan oo isla maalintaas ka dhacday tareenada dhulka hoostiisa mara laguna faafiyay baraha bulshada, ayaa waxaa la maqlayay darawalka oo ku dhawaaqaya “free, free” isagoo isticmaalaya cod-baahiye ku xiran tareenka.

Qaar ka mid ah rakaabkii gudaha ku jiray ayaa hal ku dhiggaan ku daray erayo kale sida “Falastiin”. “Falastiin xor ah”.

Agaasimaha adeeggada tareennada eeTFL Glynn Barton ayaa sheegay in darawalka lagu helay inuu si khaldan u isticmaalay adeegga codka baahiya ee tareenka dhexdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here