Dowladda Sucuudiga Oo Magdhow Ka Dalbaday Xiriirka Kubada Cagta Aduunka.

0
52

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa laga doonayaa lacag magdhow ah oo gaadhaysa £6.5 milyan oo Gini kaddib dhaawac halis ah oo soo gaadhay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr oo qalliin lagaga samayn doono jilibka, isla markaana garoomada ka maqnaan doona inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda.

Kooxda kubadda cagta Al-Hilal ayaa xaqiijisay in Neymar uu dhaawacu ka gaadhay jilibka oo ay qasab tahay in lagu sameeyo qalliin sababi doona in aanu mar dambe u ciyaarin inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda, waxaanay kooxdan reer Sucuudi doonaysaa in FIFA ay siiso magdhow.

Laacibkan oo garoonka laga dhax-qaaday ciyaartii Brazil ay guul-darradu kasoo gaadhay ee ay Uruguay ku garaacday 2-0 Salaasadii, ayaa waxa uu kooxdiisa Al-Hilal mushahar uga qaataa toddobaadkii lacag lagu sheegay £2.5 milyan oo Gini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here