Qalab cusub oo lagu ogaan karo kansarka ku dhaca naasaha oo la soo saaray

0
64

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhaqtarad u dhalatay Turkiga oo lagu magacaabo Dr. Canan Dağdeviren ayaa iyada iyo kooxdeeda oo ka tirsan machadka teknoolajiyada ee Massachusetts (MIT) Media waxay soo saareen qalab loogu talo galay in lagula socdo heerka kansarka ku dhaca naasaha.

Qalabkan waxaa lagu sharfayaa eeddada dhaqtaraddan oo u dhimatay kansarka naasaaha.

Qalabku wuxuu u oggolaanayaa in si joogto ah loola socdo bukaannada khatarta sare leh inta u dhaxaysa mammograms, oo ah raajo lagu baaro naasaha

Kansarka naasaha ayaa ah nooca ugu badan ee kansarka ku dhaca haweenka iyadoo 2.3 milyan oo haween ah laga helay, halka 685,000 ahna ay naftooda ku waayeen sanadka 2020-kii, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Waa sababta labaad ee ugu badan ee dhimashada haweenka.

Marka kansarka naasaha la ogaado goor hore ama xilliga billowga heerka badbaadada shanta sano waa 99%, sida ay sheegeen Ururka Kansarka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here