Hordhac: Liverpool Vs Everton

0
70

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda ay xafiiltamaan ee Everton kulan ka tirsan premier League kana dhici doona garoonka Anfield.

Liverpool oo aan wax guul ah gaadhin 2-dii kulan ee ugu dambaysay premier League ayaa doonayasa in ay ku soo laabato wadada guulaha.

Dhinaca kale Everton oo dib u heshay qaab ciyaareedkii fiicnaa ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaah xidhiidhka ah.

Kulanka: Liverpool Vs Everton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30

Garoonka: Anfield

Guuldarada kali ah ee Liverpool ka soo gaadhay 28-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan waxa ay ahayd 2-0 kulan ka dhacay garoonka Anfield bishii February 2021.

Guushaas ayaa aheyd tii seddexaad ee Everton ay ku gaarto Anfield Premier League, ka dib markii ay 2-1 ku badisay 1995 iyo 1-0 ay ku badisay 1999kii.

Toffees ayaa ku guuldareystay inay gool ka dhaliyaan 26 ka mid ah 62 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaareen Liverpool – waana rikoorkoodii ugu xumaa ee ay wajahaan koox kasta.

Kulanka Merseyside derby ayaa soo saaray 22 kaar oo casaan ah premier League waxana uu shan ka badan yahay kulamada kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here