Xogtii U Dambaysay Ee TODDOBA Ciyaartoy Oo Ka Dhaawacan Liverpool

0
71

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku martigelin doonta Everton waqti hore oo Sabtida ah, waxaana kooxda tababare Jurgen Klopp ka maqnaan doona dersin ciyaartoydiisa muhiimka ah oo dhaawacyo iyo ganaaxyo ku seegaya ciyaartan.

Everton oo waqti fiican ku jirta ayaa iman doonta Anfield, balse Jurgen Klopp oo ay kooxdiisu figta sare ee hoggaanka si ku-meelgaadh ah ugu qabsan karayso Arsenal iyo Tottenham ayaa halgan u geli doona in uu saddexda dhibcood ku qaato garoonkiisa, si ay qaab fiican ugu bilowdaan horyaalka oo ay fasax kaga jireen toddobaadkii tegay oo ay ciyaartoydoodu ku maqnaayeen kulamada aalamiga ah.

Liverpool ayaa la filayaa in ay ka maqnaan doonaan ugu yaraan lix ciyaartoy oo dhaawacyo iyo ganaax ah, balse waxa ay dib u heli doonaan Diogo Jota oo kasoo laabanaya ganaax uu ku maqnaa ciyaartii Brighton & Hove Albion ee barbarraha, kaas oo ka dhashay casaan la siiyey ciyaartii Tottenham.

Curtis Jones oo saddex ciyaarood laga ganaaxay kaddib casaankii ciyaartii Tottenham ayaa geli doona kulankiisii labaad ee uu ka maqnaanayo Reds, waxaana uu sidoo kale xisaabta kooxdiisa ka maqnaan doonaa ciyaarta Nottingham Forest ee dhamaadka usbuucan.

Difaaca bidix ee Andy Robertson oo ku dhaawacmay ciyaartii Scotland ay guul-darrada kala kulantay Spain ayaa u jiifi doona dhaawac garabka ah, sidoo kalena Thiago Alcantara ayaa wali aan kasoo kabnin dhaawac uu ku maqnaa tan iyo bishii March, waxaana ay liiska maqaneyaasha ku wada jiraan da’yarka khadka dhexe ee Stefan Bajcetic, goolhaye Caoimhim Kelleher, Ben Doak iyo Cody Gakpo oo isaga uu shaki ku jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here