Man United Oo Doonaysa Saxiixa Luka Modric.

0
79

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato rugcadaaga Real Madrid Luka Modric bisha January.

Taasi waa sida uu qabo khabiirka kubada cagta ee Okdiario Eduardo Inda, mar uu ka hadlayay El Chiringuito.

“Modric, ma garanayo sida uu xilli ciyaareedka ku dhamaan doono, waxaa jira kooxo isaga wax ka weydiinaya, waxaana ka mid ah Manchester United” ayuu yiri Inda.

“Dhibaatada kaliya ee jirta ayaa ah inay ugu dambeeyaan guruubka champions League isla markaas ayna ka ciyaari doonin tartanka ilaa ciida gaalada”.

“Manchester United waxa ay si dhaw ula socotaa xiddiga khadka dhexe hadii ay dhacdo in uu ka tago kooxda suuqa Jnauary”.

“Waxa uu doonayaa in uu si joogto ah u ciyaaro waxana uu haatanba ka cawday in uuna si joogto ah ugu ciyaarin Real”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here