Romeo Lavia Oo Wajahaya In Uu Muddo Kale Garoomada Ka Maq

0
90

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga kooxda chelsea ee Romeo Lavia ayaa lagu soo waramayaa in uu wajahayo dhibaato kale oo dhaawac xilli uuna wali wax kulan ah u ciyaarin kooxdiisa cusub.

Xiddiga 58 milyan ugu fadhiya chelsea ayaa kaga soo biiray kooxda Southampton suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.

Chelsea ayaa saxiixa xiddiga ku garaacday Liverpool si ay u keenaan Stamford Bridge.

Laakiin Xiddiga reer Belguim ayaan wali xitaa hal daqiiqo u ciyaarin kooxdiisa cusub.

Romeo Lavia Ayaa ku dhaawacmay tababarka isaga oo aan xitaa wax kubad ah u taabam kooxda.

Xiddiga ayaa la filayay in uu haatan ka soo kabsado dhaawac uu kaga maqnaa tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here