Man United Oo Loo Sheegay In Ay U Dhaqaaqdo Daafac Xitaa Ka Fiican Lisandro Martinez

0
106

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa lagu booriyay inay ka fiirsato saxiixa xiddiga Crystal Palace ee Marc Guehi, kaasoo loo saadaaliyay inuu noqon doono daafaca dhexe ee ugu fiican kooxda hadii uu u dhaqaaqo Old Trafford.

Erik ten Hag ayaa waxaa curyaamiyay dhibaato dhaawac oo dhanka daafaca ah xili ciyaareed kaan laakiin waxa uu ka caawin karaa in uu xaliyo arimaha qaar marka uu la soo wareego Guehi inkasta oo ay tartan weyn kala kulmi doonaan kooxaha ay xafiiltamaan.

Tan iyo markii uu ka tagay Chelsea kuna biiray Palace 2021, Guehi waxa uu cadeeyay inuu yahay mid ka mid ah daafacyada ugu awooda badan Premier League, waxaana uu soo jiitay kooxo badan oo sarre.

Arsenal, Tottenham iyo Chelsea ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga 23 jirka ah xagaagii hore waxana laga yaabaa in lagu iibiyo lacag dhan 50 milyan euro.

Daaficii hore ee Man United Paul Parker ayaa la dhacay labada daafac dhexe ee Crystal Palace, laakiin waxa uu aaminsan yahay in Red Devils ay diirada saarto Guehi maadaama uu noqon doono daafaca ugu fiican kooxda hadii ay la soo wareegaan xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here