David De Gea Oo Ku Soo Laabatay Man United, Sabab.

0
97

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Halyeeyga Manchester United David de Gea ayaa dib ugu soo laabtay magaalada xilli ay socdaan hadal heyn badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Goolhayaha 32 jirka ah ayaa soo afjaray 12 sano oo uu joogay old Trafford kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Soo Laabashada De Gea ayaa dhalisay hadal hayn badan oo ah in uu xiddigu ku soo laabanayo kooxda.

Wararkan ayaa imanaya xilli uu Onana la kulmayo dhaleecayn xoogan oo ku saabsan dhinaca qaab ciyaareedkiisa.

Si kasta ha ahaatee Daily Mail ayaa sheegaysa in uu De Gea ku soo laabtay Man United si uu wakhti ugu qaato gurigiisii uu ku noolaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here