Barcelona Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Saxiixa Messi Suuqa January.

0
83

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne ku xigeenka Barcelona ee dhinaca dhaqaalaha Edward Romeo ayaa ka hadlay suurtogalnimada uu Lionel Messi uu mar kale dib ugu soo laaban karo safka Barcelona.

Wararka ayaa sheegaya in ay jirto suurtagalnimo uu Messi qaab amaah ah ugu soo laaban karo kooxda Barcelona marka la gaadho suuqa January ka dib markii Inter Miami ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo isreebreebka ugu dambeeya ee Horyaalka Mareykanka.

“Waxaan codsanay 4-sano si aan u wanaajino xaalada dhaqaale ee Barcelona laba sano gudahood, sanadka seddexaad, xaaladdu waxay noqon doontaa mid dheellitiran, heerka isboortiga, waxaan waydiisanay 4-sano, markii labaadna waxaan ku guuleysanay horyaalka”ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Markii aan u nimid maamulka kooxda, qiimaha kooxdu wuxuu ahaa mid xun, mushaarka ciyaartoyda oo badan awgeed, ma jirto cid dooneysay inay ciyaartoydeena kula soo wareegto xitaa bilaash, maanta waxaan heysanaa koox yar oo tartan ah. Ciyaartoyda qiimaha ku habboon suuqa, waxaan dhihi lahaa waxaan ku jirnaa xaalad gebi ahaanba ka duwan.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Uma maleynayo in xiriirka naga dhexeeya Javier Tebas uu yahay mid xun, waxa kaliya ee muhiimka ah ayaa ah in aanan dooneynin inaan ku dhex milmin waxyaabaha qaar, kaliya waxaan difaaceynay danaha Barcelona”.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Barcelona waxay dooneysaa inay ixtiraamto Messi marka ay xaaladdu sax tahay, wuu u qalmaa, waxaana sugeynaa arintaan, inta soo hartay waa uun mala-awaal aanan ka hadlin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here