Rikoodhka Aan Hore Loo Arag Ee Xalay Uu Dhigay Dheemanka Barcelona Ee Lamine Yamal

0
101

Jowhar- (Isnaay Radio) Xiddiga da’da yar ee Barcelona ee Lamine Yamal ayaa rikoodh cajiib ah ka dhigay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, kaddib markii uu gool u dhaliyey kooxdiisa ciyaartii ay xalay barbarraha 2-2 la galeen Granada oo laba gool oo darandoorri ahaa kaga naxsatay.

Lamine Yamal oo ay da’diisu tahay 16 jir ayaa ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada waxa uu dhaliyey kubbad uu ka helay Joao Felix oo uu la tegay goolka oo madhan, kuna leexiyey shabaqa isaga oo laafyoonaya.

Goolkan ayaa ka dhigay Lamine Yamal ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya horyaalka waddanka Spain ee LaLiga abid, mana dhicin in ciyaartoy ka da’yar uu shabaqa soo taabto.

Lamine Yamal oo rikoodho dhawr ah jabiyey bilihii uu qaybta ka ahaa kooxda koowaad ee Barcelona, ayaa waxa uu hadda ku suntanaan doonaa ciyaartoyga ugu da’da yar ee gool ka dhaliya LaLiga, waxaana uu rikoodhkan ku sameeyey 16 sannadood iyo 87 maalmood oo kaliya oo ay da’diisu tahay.

Waxa uu Lamine Yamal jabiyey rikoodhkan oo uu hore u haysan jiray Fabrice Olinga oo Malaga u dheelayey oo shabaqa soo taabtay isaga oo ay da’diisu ahayd 16 sannadood iyo 98 maalmood.

Lamine Yamal ayaa waxa sidoo kale uu jabiyey rikoodhkii Ansu Fati oo ahaan jiray ciyaartoyga ugu da’da yar ee Barcelona gool uga dhaliyey horyaalka, waxaana uu rikoodhkaas ku dhigay 16 sannadood iyo 304 maalmood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here