Barcelona Oo Barbarro Ka Tuugtay Granada Oo Ka Dhalisay Goolkii Ugu Degdegga Badnaa

0
110

Jowhar- (Isnaay Radio) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa waqti dambe u dagaallantay barbarro ay la gashay kooxda yar ee Granada oo laba gool kala hormartay, kulan gool degdeg ahaa lagaga dhaliyey ilbidhiqsiyadii ugu horreeyey oo ay dhibcaha u wadaageen barbarro 2-2 ah.

Granada ayaa shabaqa Barcelona soo taabatay 19 ilbidhiqsi oo kaliya ciyaarta oo socota, waxaana kubbad ka axsatay Gavi ku dilay Zaragoza oo hoggaanka u dhiibay kooxdiisa, kaddib markii uu goolhaye Ter Stegen ka hoos saaray kubadda oo uu dhinaca midig ka dhigay.

Barcelona oo ay dhaawacyo kaga maqnaayeen dersin ciyaartoydeeda ah ayaa si adag u dagaallantay, inkasta oo ay meesha ka maqnayd tayadii hal-abuurka iyo maamulka ciyaarta ee lagu yaqaanay.

Gavi oo isku dayay inuu saxo qaladka uu sameeyey ayaa waxa uu dhinaca midig ugu tuuray kubadda Joao Felix oo isaguna ku toogtay goolka, balse waxa badbaadiyey goolhaye Ferreira oo diiday in shabaqiisa loo weydaarto.

Daqiiqaddii 28aad ayay Granada keentay gool labaad oo qurux badnaa oo uu mar kale u dhaliyey Zragoza oo kubadda orod kagala galay Kounde, kaddibna dhulka ku lagtay Ter Stegen oo uu waabiyey, ka hor intii aanu faro-laab ku laadin kubadda ee aanu shabaqa ku hubsanin.

Barcelona ayaa is-dhiibtay oo u muuqanaysay in ay niyad-jabtay, hase yeeshee waxa niyadda usoo celiyey da’yarka Lamine Yamal oo waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta dhaliyey gool ay ciyaartoyda Granada u malaynayeen offside, laakiin sharci ahaa.

Barcelona ayaa waxa xaaladdeeda uga sii daray dhaawac soo gaadhay Kounde oo ka baxay ciyaarta markii ay isku dhaceen saaxiibkii Gavi oo isku dayay inuu ka caawiyo shaqo difaac, waxaana uu garoonka ka baxay dhawr daqiiqadood oo uu isku dayay inuu is-tiilo oo ay dhakhaatiirtu daaweyn u sameeyeen.

Sergio Roberto oo beddel kusoo galay ayaa dhibicda u badbaadiyey Barcelona oo dhamaadka ciyaarta oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan tahay shabaqa soo taabtay, waxaanu ahaa gool dood galay oo VAR laga soo hubiyey, iyadoo ciyaartoyda Granada ay ku doodeen in difaacooda qalad lagu galay waqtigii dhismaha kubadda goolku uu socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here