Man United Vs Brenford

0
78

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Man United ayaa dagaal ugu jirta in ay ka fogaato guul darro garoonkeeda  ah  si aysan u diiwaan gashan rikoor liita oo ay qaabileen sanadkii 1977-dii

Xogta Kulanka

*Manchester United ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee ay  Benford isk u arkeen Premier League, halka kan afaraad ay qaabileen guul darro aheyd afar gool oo nadiif ah .

*Brentford ayaa laga badiyay shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay banaanka ku wajahaan United tartamada oo dhan, waxaana ugu danbeysay inay badiyaan bishii Febraayo 1937.

*Kooxda Martida wali wax gool ah kuma dhalin garoonka Old Trafford iyadoo la joogo Premier League.

*Manchester United ayaa la garaacay shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan. Waxa laga badiyay lix ka mid ah 10kii kulan ee furitaanka hal xilli ciyaareed markii ugu horeysay muddo 37 sano ah.

*United ayaa laga yaabaa inay lumiso ugu yaraan shan ka mid ah siddeedii kulan ee furitaanka horyaalka hal xilli ciyaareed gudahiis markii ugu horeysay tan iyo 1986, taasoo dhacday toddobaadyo ka hor intaan Sir Alex Ferguson magacaabin.

*Waxay halis ugu jiraan inay la kulmaan seddex guuldaro oo isku xigta oo horyaalka ah markii ugu horeysay tan iyo Febraayo 1977.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here