Ten Hag” Hal Arin Ayaan Qirayaa , Diyaarna Waan U Ahay Ciqaab”

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Macalinka United ee Ten Hag ayaa si la yaab leh uga hadlay guuldaradii xalay ka qabsatay  Galatasaray  ee Champion-ka

Kulankaas oo wareegga 2-aad ee Group-yada Champion-ka ahaa ayay United qaabishay guul darro 3/2 ah

Yahoo Sport ayuu Ten Hag ka yiri “Ma ogolaan karno khaladaadka maskaxeed ee aan samaynno, sidaan laguma aqbali karo tartankaan”.

“Tani waa la isku ciqaabayaa , runtii ahaan qaladaadkii aan galnay ma aha wax la iska cafin karo” ayuu sii raaciyay Ten Hag.

“Hadda waxaan siinayaa ciyaartooyda talooyin ah waxa ay tahay in aan sameynno , waa in si wada jir ah loo shaqeeyaa”

Dhanka kale waxa uu ammaan kala dul dhacay Højlund  kaasi oo labaad gool dhaliyay ” ciyaar waalan ayuu sameeyay balse nasiib darro ma ayni badin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here