Kabtanka Newcastle Oo Shuruud Layaableh Ku Xidhay Inuu Garanka U Beddelo Kylian Mbappe

0
83

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kabtanka kooxda kubadda cagta Newcastle United ee Jamaal Lascelles ayaa shuruud waalli ah ku xidhay in uu garankiisa u beddelo weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe kulanka Champions League ee ay kooxahooda PSG iyo Newcastle United ku ballansan yihiin.

Newcastle ayaa garoonkeeda St James’ Park kusoo dhoweyn doonta PSG, waxaanay u halgami doonaan inay hoggaanka u qabtaan groupka oo ay guul ka gaadhaan kooxda reer France kaddib markii ay ciyaartii hore barbarro 1-1 ah garoonka San Siro kula soo galeen AC Milan.

Jamaal Lascelles ayaa waxa uu sheegay in kooxdiisu ay halgan u geli doonto sidii ay u xaqiijisan lahayd in ay guushii koowaad ee Champions League ah diiwaangeliso muddo 20 sannadood ka badan marka ay garoonka St James’ Park kusoo dhoweeyaan PSG.

Kooxda reer France oo xagaagii ay ka tageen Lionel Messi iyo Neymar, ayaa hoggaamiyeyaasheedu ay noqdeen Kylian Mbappe, Ousmane Dembele, Gini Donnarumma iyo Achraf Hakimi, waxaase uu Jamaal Lascelles uu sheegay in aanu garankiisa u beddeli doonin Mbappe kaliya haddii uu isagu weydiisto, iyo marka ay garoonka ka baxaan ee ay tuunalka galaan oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here