Premier League Oo Ciqaabay Garsoorayaal Iyo Liverpool Oo Sabab U Ah.

0
88

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Labadii garsoore ee masuulka ka ahaa VAR kulankii Liverpool iyo Tottenham ayaa la ciqaabay sida uu xaqiijiyay Premier League.

Labada Garsoore ayaan dhex-dhexaadin doonin kulamada premier Legaue labada todobaad ee soo socda sabab la xidhiidha khaladkii ay sameeyeen kulankii Liverpool iyo Tottenham.

VAR ayaa samaysay khalad kadib markii ay diiday gool sax ah oo ay dhalisay Liverpool oo uu u dhaliyay xiddiga Luis Diaz.

Xidhiidhka garsoorayaasha Premier League ayaa kadib kulankii Liverpool iyo Tottenham xaqiijiyay in ay garsoorayaashii VAR sameeyeen khalad weyn.

Haatan Premier League ayaa xaqiijiyay in labadii garsoore ee dhex-dhexaadinayay ciyaarta gaar ahaan joogay qolka VAR ay ganaax ku maqnaan doonaan kulamada soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here