Liverpool Oo War Xun Ka Heshay Xiddig Kooxda Ah Kadib Guuldaradii Tottenham

0
131

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Gody Gakpo ayaa laga yaabaa inuu garoomada ka maqnaado ka dib markii weeraryahanka Liverpool uu ka tagay garoonka Tottenham Hotspur isagoo xiran kabo ilaalinaya lugta.

Liverpool ayaa 2/1 looga badiyay kulankii Sabtidii iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda waxana goolka u dhaliyay xiddiga Cody Gakpo.

Kooxda Liverpool ayaa war xun ka heshay dhaawaca Gakpo kaas oo la arkay isaga oo lugta ku xidhan qalab ilaaliya jilibka.

Gakpo ayaa ku dhaawacmay kulankii Tottenham waxana laga saaray ciyaarta kadib markii uu dhaliyay goolka.

Waxa uu mari doonaa hataan baadhitaan si loo ogaado halista dhaawaca xiddiga.

“Cody haatan waxa uu xidhan yahay qalab ilaaliya jibka”ayuu Klopp yidhi ciyaarta kadib.

“Kaasi waa dhibta ugu weyn haatan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here