Wolves Vs Man City : Kooxda Garoonka Kaliya 4 Jeer Ayay Ka Badiyeen Hantiilayaasha

0
128

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayaa badisay lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, iyagoo dhaliyay 19 gool, waxaana laga dhaliyay kaliya seddex gool.

*Wolves ayaa badisay kaliya afar ka mid ah 22 kulan oo ay la ciyaartay City qarnigan (D3, L15). Saddex ka mid ah afartaas guul waxay ku yimaadeen Molineux.

*Kooxda Pep Guardiola ayaa labadii kulan ku badisay 3-0 xilli ciyaareedkii hore, iyadoo Jack Grealish, Erling Haaland iyo Phil Foden ay dhaliyeen safarkoodii ugu dambeeyay ee Molineux bishii Sebtember 2022.

*Wolverhampton ayaa doonaysa in ay soo afjarto afar kulan oo xidhiidh ah oo aanay wax guul ah gaadhin tartamada oo dhan (1 bar-baro iyo 3 guul daro)

*Waxa laga badiyay shan ka mid ah siddeedii kulan ee ay ciyaareen xilli ciyaareedkan, hal barbardhac iyo laba guul.

*Manchester City ayaa markii ugu horeysay u tartamaysa inay badiso todobada kulan ee furitaanka Premier League.

*Labadii kooxood ee ka horeeyay ee ku guulaysta todobadii kulan ee ugu horeeyay horyaalka heerka kowaad waxay kala ahaayeen Liverpool 2019-20 iyo Chelsea 2005-06, waxayna labada kooxoodba kor u qaadeen horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here