Khubaro u dhashay Dalka Ingalishka oo Sameyay Tijaabo aad ku ogaan kararto in Wadne Xanuun kugu soo socdo.

0
57

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tijaabo dhiig oo aad u sahlan ayaa kuu sheegi karta inta ay la egtahay halista aad ugu jirto inuu kugu dhaco xanuun wandaha ah.

Khubarada ayaa sheegtay in tijaabadaan ay ka wanaagsan tahay inaad iska cabrito cadaadiska dhiigga ama aad sameyso qiimeynta lagu ogaado xaddiga dufanka ee dhiigga.

Ilaa iyo hadda waxaa la sheegay in ragga uuna oo kaliya lagu tijaabiyay, balse cilmibaarayaal ay dhaqaale ku bixisay Xaruunta Wadnaha ee Ingiriiska ayaa sheegay in sidoo kale haweenka ay ku shaqayn karto.

Tijaabadaan ayaa sheegi karta xaddiga borotiin loo yaqaano troponin, kaas oo la sii daayo marka uu dhaawac soo gaaro muruqa wadnaha.

Dhaqaatiirta ayaa isticmaala baaritaankaan dhiigga si uu uga kaalmeeyo inay fahmaan xaalka bukaanada horay u qabay wadne xanuunka.

Balse cilmibaarayaasha jaamacadaha Edinbrugh iyo Glasgow oo labaduba ku yaalla Scotland, ayaa sheegay inay tahay in tijaabadaan la isticmaalo inta uusan qofku gaarin heerkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here