Liverpool Oo Garaacday Leicester City

0
106

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Leicester City kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa Carabao cup-ka.

Sidii marar badan dhacday xilli ciyaareedkan Liverpool ayaa si aad u hoosaysa ku bilaabatay ciyaarta iyada oo Leicester City ahayd kooxda fiican.

Daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta Leicester City ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo Liverpool ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 3-aad ayay Leicester City dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kasey McAteer kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Liverpool ayaa la wareegtay maamulista ciyaarta iyaga oo bilaabay in ay raadiyaan goolka bar-baraha ay ciyaarta ugu soo laabanayaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ahayd kooxda fiican laakiin Leicester City ciyaarta hogaaminayso.

Qaybta dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 48-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Cody Gakpo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Liverpool ayaa sii waday raadinta goolal ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan waxana ay sameeyeen fursado aad u badan.

Daqiiqadii 70-ad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dominik Szoboszlai kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.

Wixii intaas ka dambeeyay Liverpool ayaa ahayd kooxda maamulaysa ciyaarta iyaga oo Leicester City u diiday in ay madaxa kor u qaadaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Leicester City.

Liverpool ayaa daqiiqadii 90-aad dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Diojo Jota kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Liverpool ku hogaaminayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here