Qiimaha doolarka ee dalka Pakistan oo hoos usii dhacaya toddobaadkii labaad

0
55

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hoos u dhaca ku yimid sarifka doolarka marka loo eego lacagta Pakistan ayaa sii socotay talaadadii iyadoo halka dollar uu hoos u dhacay 1.06 rubiga Pakistaan.

Lacagta dollarka ee interbanka ayaa 16 maalmood oo xidhiidh ah waxa hoos u dhacayay qiimihii sarifka doolarka, waxaana ilaa hadda la sheegay inuu hoos u dhacay 17.30 oo Rubi.

Dhinaca kale, marka la eego suuqyada furan, waxaa sidoo kale hoos u dhac ku yimi qiimaha sarifka doollarka, waxana qiimihiisu hoos ugu dhacay 292 Rubi.

16-kii maalmood ee la soo dhaafay, qiimaha doolarka ee suuqyada furan ayaa hoos u dhacay 42 Rubi.

Waxaa xusid mudan in sababta uu hoos u dhaca ku keentay sarifka lacagta dollarka ee Pakistan labadii todobaad ee la soo dhaafay ay tahay tilaabada ay dowladda federaalku ka qaaday tahriibinta iyo qarinta doolarka dalka.

Markii la joojiyey lacagihii dollarka ahaa ee loo dhoofin jiray Afgaanistaan, dhinaca kale, waxay dawladdu qaaday tallaabooyin ay ku adkaynayso ilaalinta iibka iyo iibinta doolarka ee shirkadaha sarifka.

Sidoo kale waxaa tillaabo laga qaaday suuqa sarifka caadiga ah ee dalka Pakistaan waxaana arintaasi tilaabo laga qaaday suuqa sarifka lacagaha qalaad ee Peshawar oo doolarka dalka Afgaanistaan si sharci daro ah looga keeni jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here