Enzo Fernandez Oo Rikoodh Liita Ku Leh Kooxda Chelsea.

0
105

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga kooxda chelsea ee Enzo Fernandez ayaa si adag ku bilowday noloshiisa kooxda Chelsea iyo Premier League.

Xiddiga 107 Milyan ugu soo biiray chelsea suuqii Janauary ayaa laga sugayay wax badan kadib markii uu wacdaro ka dhigay koobkii adduunka.

Laakiin Enzo Fernandez ayaa si weyn ugu dhibaatooday kooxda chelsea oo dhinaceeda ku jirta wakhti aad u adag.

Inkasta oo dhibaatada chelsea bilaabatay ka hor intii uuna xiddiga 22 jirka ah kooxda ku soo biirin hadana xiddiga ayaa guulo yar la gaadhay kooxda wakhtigii uu joogay

Nasiib xumada Enzo Fernandez ayaa gaadhay heer ah in uu kaliya hal guul la gaadho kooxda chelsea xilli ciyaareedkan.

Guushaas ayaa ahayd guushii ay Blues 3/1 kaga badisay Luton kulan ka dhacay Stamford Bridge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here