Duqa magaalada Derna ee dalka Libya oo la xiray

0
58

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Duqa magaalada Derna ee dalka Libiya Abdulmenam al-Ghaithi ayaa la xiray kadib markii dadaad xoogan ay kumaan ruux ku dileen magaaladaasi dhowr todobaad ka hor.

Abdulmenam al-Ghaithi ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiin badan oo lagu eedeeyay musiibadii kumanaan qof ku dishay bariga Liibiya horaantii bishan.

Saraakiisha dowladda Liibiya ayaa sheegay in duqa magaalada loo xiray masiibadii dhacday.

Toddobaadkii hore, dadka deggan Derna oo carooday ayaa gubay guriga duqa magaalada iyaga oo mudaaharaadaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here