Man United Oo Guudl Dirqi Ah Ka Gaadhay Burnley.

0
79

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Man United ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka premier League oo ka dhacay garoonka Turf Moore.

Burnley ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo ka fiicnaa kooxda Man United dhinac walba.

Man United ayaa dhinaceeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay marar badan ku halis galiyeen Goolka Burnley.

Burnley ayaa si fiican u maamulaysay ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda United kuwaas oo ku dhibaatooday in ay maamulaan ciyaarta.

Man United ayaa daqiiqadii 24-aad dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Jonny Evans laakiin Goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Daqiiqadii 45-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay United ku hogaaminayso.

Burnley ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin waxa ka maqnayd dhamaystirka fursadaha ay heleen.

Qaybta dambe ayaa ahayd mid hal dhinac ah iyada oo Burnley raadinaysay goolka bar-baraha xilli ay United ku jirtay daafac ay ku ilaashanayso Goolka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guul dirqi ah oo ka tirsanayd premier League iyaga oo ku soo laabtay wadada guulaha Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here