David de Gea maka fariisan doonaa ciyaaraha mase waxa uu aadi doonaa Sacudiga?

0
97

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Goolhaye David de Gea oo haatan koox la’aan ah ka dib markii uu ka tagay Manchester United xagaagan ayaa qarka u saaran inuu ka fariisto ciyaaraha hadii uusan dalab ka helin koox weyn. xiddigan oo u dhashay Spain waa 32 jir. (Guardian)

Cristiano Ronaldo ayaa isku dayaya inuu saaxiibkiisii hore ee Manchester United De Gea ku soo jiido Al Nassr, laakiin ciyaaryahanka ayaa u muuqda inuu doorbidayo inuu sii joogo Yurub. (90 minutes)

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee England Jesse Lingard, oo 30 jir ah, ayaa bilaabi doona tababarka Al-Ettifaq ka dib markii ay iska fasaxday Nottingham Forest bishii June. (Fabrizio Romano)

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa 80 milyan oo Yuuro ku dalban doona 23 jirka reer Portugal ee Joao Felix kaas oo amaah ku jooga Nou Camp, halka Manchester City ay 25 milyan euro ku dalban doonto difaaca Joao Cancelo oo 29 jir ah. (Mundo Deportivo)

Manchester United ayaa isku dayaysa inay dib ula soo saxiixato Hannibal Mejbri, oo ah ciyaaryahankeeda 20 jir ah, kaaso qandaraas cusub (90min)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here