Arteta Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Seegi Doona Kulanka Tottenham

0
78

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Thomas Partey uusan diyaar u aheyn kulanka axada ee Premier League ee Tottenham Hotspur.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Gunners ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo kulankii Manchester United ka hor ciyaaraha caalamiga ah, sababo la xidhiidha dhaawac gumaarka ah.

Arteta ayaa qabtay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka jimcihii waxana wax laga waydiiyay xaalada dhaawac ee xiddigaha kooxdiisa.

Tababaraha ayaa xaqiijiyay in uuna xiddiga reer Ghana wali ka soo kabsn dhaawacii uu kaga maqnaa waajibaadka xulkiisa Qaranka.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Thomas waan hubaa in uu maqnaan doono”.

Xiddiga reer Ghana ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Arsenal waxana uu xitaa ka ciyaaray garabka daafaca bilowgii xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here