Mohamed Salah Oo Rikoodh Uu Thierry Henry Ka Dhigay Tartamada Yurub.

0
74

Jowhar ( Radio Isnaay ) –    Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa isku qoray taariikhda kadib markii uu gool ka dhaliyay Europa League.

Mohamed Salah ayaa badal ku soo galay kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda LASK kulan ka tirsanaa furitaanka Europa League.

Mohamed Salah ayaa Liverpool u dhaliyay 42 gool tartamada Yurub ugu waa wayn Waxana uu bar-bareeyay rikoodh uu dhigay Halyeeyga Arsenal ee Thierry Henry.

Xiddiga Salah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan waxnaa uu kooxdiisa ka caawiyay guulo badan.

Salah ayaa u muuqda mid isku badalaya caawiye isaga oo caawiye ka noqday saddexley kulankii Wolves ee ugu dambeeyay horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here