Gary Neville Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Dhibaatada Ku Ah Manchester United

0
67

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gary Neville ayaa ku andacooday in Manchester United ay “cayayaan ama bahalo ku jiraan” waqti uu xilli ciyaareedkooda ku bilowday si fowdo ah.

Kooxda Erik ten Hag waxaa 3-1 kaga badisay Brighton usbuuc dhamaadkii iyagoo haatan ku jira kaalinta 13aad ee kala saraynta horyaalka Premier League.

Waxa ay kooxda u tahay wakhti qalalaase iyadoo dhawaan ay isku dhaceen Jadon Sancho iyo tababare Erik ten Hag taasoo keentay in laga saaro tababarka kooxda koowaad.

Tani waxay timid kadib markii Harry Maguire laga xayuubiyay kabtanimada xagaagii.

Neville ayaa rajaynaya in Ten Hag uu dhawaan kooxda ku hogaamin doono qaab ciyaareed fiican laakiin khabiirka Sky Sports ayaa ka walwalsan in ay jiraan dhibaatooyin badan oo daaha gadaashiisa ah.

Waxa uu yiri: “Intee in le’eg ayaa qolka labiska laga jecel yahay Sancho iyo Maguire?

“Waxaa kooxda ku jira cayayaan aan dibada laga ogeyn, dhibaatada waxay ka dhex jirtaa gudaha.

“Waxaad haysataa ciyaaryahan caawin lahaa kooxda koowaad laakiin haatan wuxuu tababar la qaadanayaa ciyaartoyda akadeemiga.

“Waxaad haysataa Maguire, oo kabtan u ahaa ciyaartoydan 12 bilood ka hor, haddana ma ahan doorashada booska seddexaad, afaraad, shanaad ee daafacadhexe.

“Xaalado adag ayaa ka jira kooxda, mana garanayo dhaawaca ay soo gaadhsiin karto.”

Man Utd ayaa fursad u heysata inay iska yareyso walaaca Neville uu qabo habeenka Arbacada iyagoo ku wajahan Bayern Munich kulankooda furitaanka Champions League.

Kadib waxa ay wajahi doonaan kooxda Burnley horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here