Man United Oo Lagu Xasuuqay Gurigeeda.

0
66

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa mar kale lagu jiidjiiday garoonkeeda Old Trafford ka dib markii ay guuldarro 3-1 kala kulmeen kooxda Brighton oo marti u aheyd.

United ayaa xaalka uu ku xun yahay xilli ciyaareedkan waana guuldaradii seddexaad ee soo gaartay ka dib shan kulan oo la ciyaaray, waxayna cadaadis xoogan saareysaa tababare Erik ten Hag oo durbaba shaqadiisa loo baqayo.

Man United ayaa eedey mar kale difaacasho xumo iyo weerar aan dhameystir laheyn iyadoo ogolaatay in Brighton ay ku xadreyso Old Trafford.

Brighton waxay ku qaadatay 20 daqiiqo kaliya inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Welbeck oo cidna aysan raacaneynin uu kubad ka helay Adringa, waxayna taasi u sahashay inuu shabaqa ka soo taabto kooxdiisa hore.

Rashford ayaa dhowr jeer u dhawaaday inuu shabaqa soo taabto halka Hojlund oo kulankaan lagu soo bilaabay uu gool dhaliyay balse goolkiisa la diiday madaama Rashford uu u soo dhigay kubad banaanka u baxday.

Brighton ayaa heysay goolkeeda labaad bilowgii ciyaarta mar kalena waxay ka faa’ideysteen difaacasho xumo ay Man United sameyso Lindelof iyo Martinez ayaa isha ka daawanayay inay Lamptey uu kubad u dhiibay Gross, kaasoo isna aan ka labalabeynin inuu shabaqa cusjiyo.

Pedro ayaa goolkii seddexaad u dhaliyay Brighton daqiiqadii 71aad ka dib baas uu ka helay Lamptey, waxaa kubada taabtay Onana balse wuu ka celin waayay shabaqa. Taageerayaasha United ayaana waqtigaas bilaabay inay garoonka isaga baxaan.

Labo daqiiqo ka dib Hannibal oo bedelay Casemiro ayaa gool u soo celiyay Manchester United laakiin waxay aheyd xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Brighton ku xasuuqday Man United oo haatan ku jirta 10ka ugu hooseeya horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here