Man City Oo Hogaanka Premier League Ku Soo Laabatay.

0
115

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayaa ku soo laabatay hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay guul soo laabasho 3-1 ah ka gaareen kooxda West Ham oo marti loogu ahaa London Stadium.

Ward-Prowse ayaa hogaanka u dhiibay West Ham ka hor inta uusan saxiixa cusub Doku u barbareynin, waxaana goolka guusha u saxiixay Bernando Silva ka hor inta uusan Erling Haaland guusha xaqiijinin.

Ciyaartaan ayaa aheyd mid xiiso badan iyadoo labada goolhayaba ay sameeyeen badbaadino cajiib ah labadii qeyb ee ciyaarta.

West Ham ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 37aad markii Ward-Prowse uu shabaqa dhex dhigay kubad uu ka helay Coufal.

Man City ayaase cadaadis oo dhan saartay West Ham si ay u helaan goolka barbaraha, waxaana cajiib aheyd in West Ham ay afar fursadood oo isku xigta ka beenisay City oo albaabka u garaaceysay kooxda reer London.

Ugu danbeyn City ayaa heshay goolka barbaraha 43 ilbiriqsi markii ay socotay qeybta labaad, saxiixooda cusub Doku ayaa kubad la soo galay xerada ganaaxa ka hor inta uusan si qurux badan u dhex dhigin shabaqa.

Julian Alvarez ayaa birta garaacay halka Erling Haland laga badbaadiyay fursad cajiib ah, laakiin Bernando Silva ayuu ahaa xiddigii Man City goolka guusha u dhaliyay ka dib markii Julian Alvarez uu u soo qaaday kubad cajiib ah iyadoo xiddiga reer Portugal uu isna ka dulqaaday goolhayaha.

Haaland oo fursado badan ku qubeystay kulankii maanta ayaa fursad kale oo ku taabasho aheyd waxaa ka beeniyay goolhayaha daqiiqadii 82aad ka dib karoos uu ka helay Kyle Walker.

Laakiin Haaland ayaa ugu danbeyn helay goolkii uu raadinayay daqiiqadii 86aad markii uu shabaqa ku hubsaday kubad uu ka helay Bernando Silva.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Man City ku garaacday West Ham iyagoo haatan ku soo laabtay hogaanka Premier League madaama ay badiyeen dhamaan shantii kulan ee ay ciyaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here