Hooyo dishay ilmo yar oo ay korsaneysay kadib markii uu ooyinta ku badiyay

0
111

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Leland-James Corkill wuxuu ahaa wiil yar oo qurux badan, kaliya 13 bilood jiray. Waxaana dishay hooyo doonaysay inay korsato.

Haweeney lagu magacaabo Laura Castle ayaa dishay ilmahan yar ee ay korsaneysay. Haatan waxaa lagu xukumay xabsi daa’in, waxaana ay hadda qaadan doontaa ugu yaraan 18 sano oo xarig ah.

Laakiin maxaa keenay in hooyadu ilmaheeda disho? Tani waa sheekadiisa.

Ku noolaanshaha magaalada Cumbria ee Ingiriiska, nolosha Leland-James waxay ahayd mid adag. Laba maalmood kadib dhalashadiisa, waxa la siiyay qoys si ay u daryeelaan. Waxaana loosie raadinayay qoys korsada noloshiisa oo dhan.

“Wuxuu ahaa wiil qurux badan oo faraxsan,” ayay tiri Charlotte Day, oo daryeelaysay Leland-James siddeeddii bilood ee ugu horreysay.

Waxa uu jeclaa in uu kor iyo hoos u boodo marka uu ciyaarayo, waxa uu jeclaa in uu wax dhegeysto, waxa ay ahayd in la qaado.

Laakiin markii la geliyo kursigiisa baabuurka, wuu ooyi jiray oo qaylin jiray iyado cunnadana lagu sasabi jiray in uu cuno, ayay Charlotte tiri.

Qaliin ayaa lagu sameeyay, kadib markii uu ka xanuunsaday dheef shiidka markii la daweeyay si wanaagsan ayuu u bogsaday. Miisaankiisuna wuu kordhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here