Tababare Diego Simeone Oo Shaaciyay Xiddiga Uu U Arko Inuu Ugu Fiican Yahay Waqtigaan

0
75

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa magacaabay xiddiga uu aaminsan yahay in uu yahay xiddiga ugu fiican adduunka haatan.

Simeone waxa uu ahaa tababaraha Atletico inta badan xilligii Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, halkaas oo labada ciyaaryahan ay ku loolamayeen.

doodaas, dabcan, wali ma dhamaanin maanta, xitaa iyadoo labada ciyaaryahan ay galeen sannadadoodii ugu dambeeyay ee ciyaaraha.

Madaama ay isku wadan yihiin Messi, Simeone ayaa horaantii sanadkan qirtay in uu shaki la’aan xiddiga reer Argentine ka dooran lahaa Ronaldo isaga oo amaanay tayada labada xiddig.

Sannadihii u dambeeyay, waxaa soo baxay xiddigo cusub sida Kylian Mbappe, Erling Haaland iyo Vinicius Junior kuwaasoo doonaya inay qabsadaan kubada cagta, iyadoo weeraryahanka Manchester City Haaland lagu tilmaamay mid ka mid ah xiddigaha ugu cad-cad ku guuleysiga Ballon d’Or-ka sanadkan.

Isbuucaan, Simeone ayaa wax laga weydiiyay bal inuu bedelay aragtidiisa ku aadan ciyaaryahanka ugu fiican adduunka – wuuna ku adkeystay jawaabtiisa hore.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id ka hor kulanka Atletico Madrid ee sabtida ee Valencia, Simeone ayaa yiri: “Ciyaaryahanka ugu fiican adduunka hadda? Messi.

“Messi, waxa uu noqday horyaal aduunka, maxaa kale oo u haray inuu ku guuleysto si uu u sii ahaado kan ugu fiican aduunka?”

36-sano jirkaan ayaa u muuqda inuu ku guuleysan doono Ballon d’Or sanadkan madaama uu Argentina ku hogaamiyay Koobka Adduunka bishii December.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here