Afar Ciyaartoy Oo Laga Saaray Liiska Ciyaartoyda Liverpool.

0
74

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo saaray liiska xiddigaha kooxdiisa ee kulanka adag ee duhurka maanta ay martida u noqonayaan Wolverhampton Wanderers oo ay ugu tegayaan Molineux Stadium.

Liverpool oo ciyaartii ugu dambaysay si xun u karbaashtay Aston Villa ka hor intii aan loo bixin kulamada caalamiga ah, ayaa waxa maanta ka maqan afar ciyaartoy oo saddex ka mid ah ay laf-dhabar yihiin oo maqnaanshahoodu uu walwal ku hayo jamaahiirta kooxda.

Saxeexii cusbaa ee maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ee Ryan Gravenberch ayaa qayb ka noqday liiska ciyaartoyda Reds oo filaya inuu kusoo bilowdo, waxaana uu Klopp ka fiirsan doonaa inuu ku lammaanaysiiyo Alexis Mac Allister iyo Dominik Szoboszlai.

Weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaarihii caalamiga ahaa iyo Ibrahima Konate ayaa taam u noqday ciyaartan, balse Nunez ayay u badan tahay inuu beddel ku yimaaddo maadaama jugtii soo gaadhay ay u baahan tahay waqti soo kabasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here