Daadadka Liibiya oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen 20,000 oo qof

0
89

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –Waxaa jirta cabsi ah in dad tiradoodu kor u dhaafayso 20,000 oo qof ay ku dhinteen daadadkii Axadi ku dhuftay gobolka Bari ee Liibiya.

Maayarka magaalada ay daadadku aadka u saameeyeen ee Derna, ayaa sheegay in tiradaas lagu saleeyay tirada deegaanada uu burburiyay daadadkaas.

Waxaa isa soo tarayay baaqyada taageero hor leh oo bini’aadanimo iyadoo dhibanayaashu ay ku hoos jiraan bacaha roobka laga galo halka kuwa kalena loo sameeyay aas wadareed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here