Xiriirka Kubada Cagta Ingariiska Oo Ganaaxay Nottingham Forest

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa dacwad ku soo oogaya Nottingham Forest ka dib marki maanta la xiray labo ka mid ah taageerayaasheeda oo ku heesay ereyo aflagaado ah oo ka dhan ah Chelsea.

Chelsea ayaa guuldarro lama filaan ah ay ka soo gaartay Nottingham Forest ka dib gool uu ka dhaliyay Anthony Elanga.

Heeso ka dhan ah Chelsea oo laga dhex qaaday garoonka ayaa keentay in la xiro labo ka mid ah taageerayaashii Nottingham Forest ee joogay garoonka Stamford Bridge.

Waxaa laga bixiyay garoonka, waxaana lagu wareejiyay boliiska Nottinghamshire sida ay sheegtay Daily Mail.

FA-ga ayaa sharci cusub uu soo kordhiyay horaantii sannadkan waxay ku sheegeen inay dacwado ku soo oogi doonaan kooxaha taageerayaashooda adeegsada ereyga “rent boy” oo ah erey qoomuluud loola jeedo.

Taageerayaasha Nottingham Forest ayaana ku heesayay ereyo ka dhan ciyaartoyda Blues iyagoo dhahayay “Chelsea Rent Boys” oo u dhiganta wiilashii qoomuluudka ee Chelsea.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay taageerayaasha Nottingham Forest ku heesaan jumladaan lagu aflagaadeeyo Chelsea, iyagoo sameeyay kulankii sannadka cusub.

Waxayna taasi keeni doontaa in FA-ga ay talaabo ka qaadaan kooxda halka labada taageere ee la xiray ay wajihi doonaan xabsi madaama sharci adag laga soo saaray isticmaalka ereyadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here