Fransiiska oo cambaareeyay afgambiga Gabon

0
49

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Faransiiska ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii ka dhacay Gabon, wuxuuna ku baaqay in la ixtiraamo natiijada doorashada.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee silsilado afgambi militari oo ka dhacay Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, kuwaas oo intooda badan ka dhacay dalal uu Faransiisku gumeysan jiray.

Ruushku waxa uu sheegay in uu ka walaacsan yahay oo uu isha ku hayo waxa ka socda Gabon.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in afgambiga Gabon uu gobolka oo dhan ka dhigi doono mid aan xasilloonayn.

Josep Borrell ayaa kala hadli doona xaalada wasiirada gaashaandhiga ee ururkaas iyagoo ku kulmaya magaalada Toledo ee dalka Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here