Chelsea Oo Ku Horumar Ka Sameysay La Wareegida Xiddiga Manchester City

0
57

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano ayaa sheegay inay haatan socdaan wadahadalada u dhaxeeya kooxaha Chelsea iyo Manchester City ee ku saabsan saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara Cole Palmer.

Chelsea ayaa ku darsatay Palmer liiska xiddigaha weerarka ee ay dooneyso ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga maalinta Jimcaha.

Waxay u arkaan 21 jirkaan xalkooda ugu fiican, waxayna haatan wadahadal lagu dhameynayo hishiiska kula jiraan kooxda difaacaneysa horyaalka ee Manchester City.

Sida uu sheegay Fabrizio Romano, Manchester City ayaa ku iibineysa xiddigaan lacag gaareysa 45 milyan ginni, waana sida kaliya ee ay ku aqbali karaan inuu ugu wareego kooxda Blues.

Wuxuu qoraalkiisa raaciyay in Chelsea ay sidoo kale xiriir la sameysay wakiilada ciyaaryahanka si ay hishiis shaqsi ah u la gaaraan.

Palmer ayaa la sheegay inuu doonayo inuu ku biiro Chelsea ka dib xiriirkii ugu horeeyay ee dhexmaray labada dhinac.

Palmer ayaa kulankiisii ugu horeysay u saftay Manchester City xilli ciyaareedkii 2020/21 ka hor inta uusan Premier League ka ciyaarin xilli ciyaareedkii ku xigay.

Waxa uu dheelay 25 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isagoo dhaliyay kaliya hal gool.

Xilli ciyaareedkan wuxuu saftay seddex kulan isagoo shabaqa ka soo taabtay Arsenal kulankii Community Shield halka uu sidoo kale gool ka dhaliyay Sevilla kulankii UEFA Super Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here