Waa Kuma Gonzalo? Xiddiga Real Madrid U Beddelaya Vinicius Junior

0
58

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshay ciyaartoy si fiican ugu beddeli karaya Vinicius Junior oo uu durba Carlo Ancelotti bilaabay inuu u tababaro booskii uu ka baxay laacibka reer Brazil oo muddo laba bilood ku dhow ku maqnaanaya dhaawac.

Vinicius Junior oo muruqa dhaawac kasoo gaadhay ayaa ka maqnaan doona afar illaa shan ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah iyo laba ama saddex kulan oo wareegga group-yada Champions League ah, halka xulka qarankiisa Brazil aanu kala qayb-geli doonin kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee bisha September.

Dhamaadka bisha October ayaa ay Real Madrid rajaynaysaa in ay heli doono Vinicius Junior oo uu qayb ka noqon doono ciyaarta Atletico Madrid, waxaana kooxdu ay go’aansatay in aanay wax ciyaartooyo cusub ah la saxeexanin.

Carlo Ancelotti ayaa heerka labaad ee da’yarta Real Madrid waxa uu kasoo dallacsiiyey Gonzalo Garcia Torres oo xilli-ciyaareedkii hore bandhig fiican ka sameeyey kooxda da’yarta Real Madrid ee uu tababaraha u yahay Alvaro Arbeloa, kaas oo hadda loo bilaabay in loo carbiyo booska Vinicius Junior.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here