Andre Onana Oo Ka Falceliyey Liiska Xulka Qaranka Cameroon Oo Lagu Soo Daray

0
79

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Goolhayaha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Andre Onana ayaa si degdeg ah uga falceliyey xulka qaranka dalkiisa Cameroon oo dib loogu soo celiyey, kaddib markii laga caydhiyey Koobkii Adduunka.

Onana oo Manchester United ay £43.8 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Inter Milan, ayaa waxa xulka qaranka Cameroon laga saaray intii uu socday Koobkii Adduunka ee bishii November ee sannadkii hore, kaddib markii ay isku dhaceen tababare Rigobert Song, taas oo keentay in goolhayahan uu si dedeg ah ugu dhawaaqo inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah.

Tababare Song ayaa maanta soo saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Cameroon ee kulamada isreeb-reebka koobka qaramada Afrika iyaga oo September 12 la ballansan Burundi.

Andre Onana ayaa sida la rumaysan yahay ay wada-hadleen xidhiidhka kubadda cagta dalkiisa, waxaanu ogolaaday in 10 bilood kaddib uu kusoo laabto xulkiisa isaga oo sidoo kalena farriin uu goordhoweyd kusoo qoray bartiisa bulshada ee Instagram kaga falceliyey yeedhmadiisa xulka.

Laacibkan ayaa waxa uu soo dhibay ubaxyo uu kusoo dul-qoray farriin qurux badan oo ahayd: “Beentu waxay kusiisaa ubax, laakiin midho ma keento.”

Si kastaba, Onana oo saddexdii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee ay kooxdiisu dheeshay kusoo bilowday, bandhig fiicanna sameeyey ayaa waxa yeedhmadiisa xulku ay keeni doontaa in uu horraanta sannadka dambe ka maqnaado muddo bil iyo dheeraad ah inta uu socdo koobka qaramada Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here