Mucjisada Barcelona Ee Lamine Yamal Oo La Isku Haysto

0
65

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mucjisada Barcelona usoo baxday ee Lamine Yamal oo wacdaro ka dhigay ciyaartii ay xalay 4-3 ku garaaceen Villarreal ayaa waxa isku haysta labada dal ee Spain iyo Morocco oo mid walba uu doonayo inuu u ciyaaro xulka qarankiisa, waxaanay xidhiidhada labada waddan si joogto ah ula xidhiidhayaan laacibkan iyo ehelladiisa.

16 jirkan oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga garoonka kulankii xalay, ayaa waxa uu tababare Xavi Hernandez sheegay in uu doonayo inuu u ciyaaro xulka qaranka Spain.

Lamine Yamal ayaa kasoo jeeda waddanka Morocco oo ay waalidkii kasoo haajireen, waxaana uu ku koray gudaha Spain, waxaanu sharcigu u ogol yahay inuu doorto dalka uu isagu jecel yahay.

Hooyada dhashay Ymal ayaa waxay kasoo jeeddaa waddanka Equatorial Guinea oo sidoo kale uu u dheeli karo xulkooda, halka aabbihiina uu yahay reer Morocco balse waalidkii ayaa usoo guuray Spain, taas oo keentay in Yamal uu u dheelo xulka qaranka da’yarta ee Spain.

Laacibkan ayaa la sheegay in uu hore u muujiyey inuu doonayo inuu u ciyaaro xulka qaranka Morocco, balse toddobaadkii hore, tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis de la Fuenta ayaa ugu yeedhay xulka waaweyn ee Spain oo uu u ciyaari doono toddobaadka dambe.

Wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in Lamine Yamal uu dhowaan la kulmay tababaraha xulka Morocco ee Walid Regragui, waxaana la rumaysan yahay in uu u sheegay inuu u ciyaarayo xulka qaranka Spain oo uu doortay.

Xulka qaranka Morocco ayaa lagu dhawaaqi doonaa Salaasada toddobaadkan iyaga oo kulamo dheeli doona bisha dambe ee September horraanteeda, hase yeeshee xulka qaranka Spain ayaa sidoo kale la shaacin doonaa Jimcaha, waxaana la dheeli doonaan Georgia iyo Cyprus. Labadooduba waxay rajaynayaan in uu liiskooda kusoo baxo Yamal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here